Latest Post

Saameyn intee la eg ayuu dagaalka Yukreyn iyo Ruushka ku yeeshay dhaqaalaha qaaradda Afrika [Warbixin]. Ciidamo Itoobiyaan ah oo la kulmay weerar jidgal ah.
  1. Ciidamada shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay qarax culus la eegteen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa xerada ciidamada dowladda ay ka samaysteen degmada Jannaale ee wilaayada Sh/hoose.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijiyeen in qaraxa oo ahaa mid lagu diyaariyay gudaha xerada murtadiinta ee Jannaale ay mar qura la kacday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.

Xogaha muhiimka ee soo baxaya waxay sheegayaan in qaraxaas ay ku dhinteen 2 askari oo murtadiin ah iyo dhaawaca 3 kale kuwaas oo dhammaantood ku sugnaa gudaha xerada uu qaraxu ka dhacay ee degmada Jannaale.

Dhanka kale Wararka inaga soo gaarayo wilaayada Bay iyo Bakool waxay sheegayaan in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay dagaal culus ku qaadeen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ay ka samaysteen degmada Waajid ee wilaayada Bay iyo Bakool.

Deryanka madaafiicda iyo jabaqda rassaasta dagaalka waxaa si wayn looga maqlayay xaafadaha degmada Waajid waxaana lasoo wariyay in dagaalkaas khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada xabashida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.