Garoonka dayaaradaha Kabul waxa hadda iskuugu soo baxay kumanaan dad ah oo ay wujuuhdooda ka iftiimayso farxad aad u weyn iyo iftiin Ayagoona u dabbaal degaaya maalintooda guusha, America iyo Xulufadeeda ayaa caawa Afghanistan kadhamaaday. Ammaanka Kabul-na si dhamastiran caawa waxa ula wareegay ciidamada Imaarada Islaamiga ee Afghanistan Allah weyn ninkii aaminaa AWOOD leh ummad waliba aayaheeda in ay garato ayadaa leh, reer Afghanistan caawa aayaha dalkooda ayagaa ka talinaaya ayada oo aanay gaalo wax u meerinayn!