Latest Post

A Middle School Named after the Sultan of Jarerwayne in Jubba Region A U.S Drone Strike Killed Ibrahim Hassan Dahir Aweys

Xoogag hubaysan ayaa maanta duhurkii degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal katirsanaa sirdoonka dowladda Federaalka.

 

 

Sida ay wararku sheegayaan weerar qorshaysan oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada sarkaal muhiim u ahaa sirdoonka dowladda Federaalka ee Nabad sugidda loo yaqaan.

 

Goob joogayaal ayaa sheegay in daqiiqado kadib ay goobta uu dilku ka dhacay soo gaareen ciidamo katirsan Booliska dowladda iyagoona qaaday meydka sarkaalka.

 

Al Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay dilal qorshaysan ka geysanaysay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana dilalkaa lagu fulinayay askar iyo saraakiil.

 

 

By Liibaan Jeexoow Cabdi

Leave a Reply

Your email address will not be published.