Latest Post

Saameyn intee la eg ayuu dagaalka Yukreyn iyo Ruushka ku yeeshay dhaqaalaha qaaradda Afrika [Warbixin]. Ciidamo Itoobiyaan ah oo la kulmay weerar jidgal ah.

Waxa aad loogu qaadaa dhigayaa baraha bulshada gabadh lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax oo da’deeda lagu sheegay 23 sano, Ikraan waxaa shaqada sirdoonka u qorey taliyihii hore ee nabadsugidda Cabdillaahi Sanbalooshe gugii 2017.   Sarkaaladdan geerideeda la xaqiijiyey ayaa ahayd qurbe joog intii aanay shaqada bilaabin, sidoo kale wax ay la shaqaysay xafiiska qolyaha xuquuqda bina aadamka (Humanitarian).  Ikraan ayaa laga afduubtey Muqdisho, waxaana la rumaysan yahay in ragga qafaashey ay ahaayeen isla kooxdii ay la shaqayn jirtey oo ah hay’adda sirdoonka dowladda ee lagu magaaco NISA. 26 Juun, 2021 ayaa la waayey Ikraan, waxaase xoguhu sheegayaan in uu la soo hadley goor habeennimo ah taliyaheedu kadibna ay hore ka sii qaadatey laabtoobkii ay isticmaali jirtey.   Habeenkaa wixii ka dambeeyay dib looma arkin illaa habeennimadii khamiista oo taariikhdu ahayd 2 September, 2021 markii lasoo dhigey qoraal tacsi ahaa Telefishanka afka dawladda ku hadla isla markaana geerida Ikraanna la xaqiijiyey iyada oo dilkiina dusha loo saarey ururka Alshabaab. Haddaba waxa jiri karta saddex sababood oo maangal ah isla markaana ay dhici karto in loo diley.  Sababta koowaad:  Ikraan waxaa lasoo hadley caweyskii 26- juun, 2021 iyada oo sii qaadatey Laptop-kii ay xogta ugu jirtay ama la tuhunsanaa in xog lagu og yahay. Waxa kale oo la og yahay in ay ahayd agaasimihii xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir Eng Yariisow. Sidaa darteed dadka qaar wax ay ku doodayaan in loo dili karo xogta shakhsiyaad muhiim ahaa oo NISA u shaqayn jirey oo la kharaajiyey lana waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen oo ay ogayd.  Sababta labaad  Waxa la aamminsan yahay in Ikraan Tahliil ay xog ka haysay askartii dawladda Federaalku ay u dirtey dalka Ereteriya kadibna loosii gudbiyay dagaalkii ka socday waqooyiga Itoobiya ee Tigreega halkaas oo askar badani ku naf waayeen. Askarta dhimashadooda la ogaadey kaddibna laga qariyey waalidkood ayaa noqon karta mid kamid ah sababaha loo diley sarkaaladdaa da’da yar. Qodobkan dad badani ku doodayaan in uu noqon karo sababta ugu weyn loo diley.  Sababta sadexaad.  Waxa suurto gal ah oo haddii caqliga la adeegsado qof walba kusoo dhici karta, in ay noqon kartey qof laga shakiyey (Double agent) oo la tuhmay in ay gacan saar la yeelatey sirdoonno kale oo aaney dawladdu jeclayn, ama ay macluumaad muhiim ah u gudbisay taas oo sababi kartey dhimashadeeda. Dilka qofkasta oo laga shakiyo waa waxyaabaha ugu badan ee sirdoonnadu dadka u khaarajiyaan. Qodobadaa aan soo sheegay baa laga yaabaa in Ikraan Tahliil loo khaarajiyey, waxa kale oo dhici karta in sababo kale oo dahsoon loo dili karo.  Shaki kuma jiro in Ikraan ay haysay malafaatka khaaska ah ee Taliye Fahad Yaasiin sidaas daraadeedna uu dunida dhaafsiiyay, dadka soomaaliya ayaa aad ula yaabay riwaayadda jiista ah ee ay lasoo shir tagtay NISA taas oo aheyd in ay Al Shabaab dishay waana ixtimaal aan macquul aheyn marka loo eego, meesha laga afduubtay, duruufta ku xeeran kiiska iyo ciddii ikraan ku ballamisay goobta cayiman kadibna ku qaadday gaari nuuca aan xabaddu karin ah  Wabillaahi Tawfiiq W/Q: Wadaadyare Xaashi

Leave a Reply

Your email address will not be published.