Latest Post

A Middle School Named after the Sultan of Jarerwayne in Jubba Region A U.S Drone Strike Killed Ibrahim Hassan Dahir Aweys

Isbitaal kuyaal magaalada Alqaahira waxaa ku geeriyooday mid kamida jeneraallada ugu caansanaa melleetriga Masar kaasi oo taariikh madoow lahaa.   Jeneraal Max’med Xuseen Dandaawi oo soo noqday taliyaha ugu sarreeya ciidamada xoogga Masar iyo wasiirka difaaca ayaa dhitay isagoo 85 sana jir ah sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay nidaamka Alsiisi.  “Masar waxay weysay mid kamida astaamaheedii melleteriga kaasi oo noloshiisa uhuray difaaca dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Alsiisi.  Jeneraalkan dhintay ayaa caan ku ahaa qamcinta jamaacaadka islaamiga ah isagoo xuduud beenaadka u ilaalin jiray maamulka Yahuudda sahyuuniyadda. Sanaddii 2011 markii kacdoon shacbi lagu riday Max’med xusni Mubaarak ayuu ninkan dalka sii maamulayay illaa sanaddii 2012 kolkaas oo madaxweyne loo doortay Maxamed Mursi balse isla sanadkaas ayaa lacasilay Dandaawi oo ahaa wasiirka difaaca.   Ninkan ayaa dhashay sanadku markii uu ahaa 1935-tii, sanadii 2001 markii uu Mareykanku iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada ayuu kaalin muhiim ah ku lahaa isagoo aad ula dagaallamay islaamiyiinta.

Xigasho Somalimemo.info

Leave a Reply

Your email address will not be published.