Latest Post

Saameyn intee la eg ayuu dagaalka Yukreyn iyo Ruushka ku yeeshay dhaqaalaha qaaradda Afrika [Warbixin]. Ciidamo Itoobiyaan ah oo la kulmay weerar jidgal ah.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday mas’uul katirsan maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Federaalka.

Xoogag aad u hubaysan ayaa maanta duhurkii weerar dhabbagal ah udhigay kolonyo uu la socday Jacfar oo ah guddoomiyaha degmada Dayniile.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in gaadiid uu la socday guddoomiye jacfar weerar lagula beegsaday halka loo yaqaan Ceelsaqiir oo katirsan degmada Dayniile.

Guddoomiyaha ayaa si dirqi ah ku badbaaday balse waxaa la xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay illaa 6 askari oo kamid ahaa ciidamadii ilaalada u ahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaari nuuca dagaalka ah oo kamid ahaa kolonyadii gelbinaysay guddoomiyaha degmada Dayniile uu ku gubtay weerarka.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka gobolka Banaadir oo ku saabsan weerarkii maanta ka dhacay deegaanka Ceelsaqiir.

Somalimemo 24

Leave a Reply

Your email address will not be published.