Latest Post

Dhageyso Diiradda Jimcaha Iyo Dhaqaala Darrida Heysata DF. Somalia miyaa xor ah 62 sano ?
Kumanaan qoys ayaa isaga barakacay dhowr xaafadood oo kuyaal magaalada Jabuuti kadib rabshado qowmiyadeed oo ka qarxay magaalada.
Wararka ka imaanaya caasimadda Jabuuti ayaa sheegaya in ay gacmaha iskula tageen dad kasoo jeeda qowmiyadda Cafarta iyo ciidamada booliska arrinkaas oo sababay in lugubo tobanaan guri.

Mas’uul u hadlay mucaaradka Jabuuti ayaa ku eedeeyay ciidamada Booliska in ay si ula kac ah ugubeen guryo ay deganaayeen qoysas Cafar ah islamarkaana ay mas’uul ka yihiin barakicinta boqolaal qoys.

Muuqaallo lagasoo duubay caasimadda Jabuuti ayaa muujinayay guryo gubanaya iyo ciidamada Booliska oo eryanaya shacab kasoo jeeda qowmiyadda Cafarta.

Maamulka Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marwalba iska dhega tira cabashooyinka ka imaanaya shacabkiisa ee ku aaddan adeegyada bulsahada ee aadka uliita

Leave a Reply

Your email address will not be published.