Latest Post

Dhageyso Jawaasiis lagu dilay Jubbada hoose Ethiopia deploys thousands of fresh troops in south Somalia

:الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، أما بعـد

 

Alleyl dumay albaabadoo xidhan uunku wada seexday.

Onkad yeedhay uugaama roob alif banaadiiq ah.

Liihdanka iga bixi baa libaax iman lamoodaaye.

Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye.

Labadii wax laga eegi jiray waan ka awdnahaye.

Halkaan aah ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og’e.

 

Anigoo ah mid kamid ah suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinada islaamiga ah, waxaan jecleystay inaan qormadan ku cabbiro dareenkeyga ku aadan geeridii naxdinta lahayd ee Talaadadii lasoo dhaafay ku timid Alle ha u naxariistee, Sh/Nuur Mucallim Cabdiraxmaan oo aan u rajeynayo inuu Ahlu kheyr ahaa. نحسبه كذلك ولا نزكي على الله أحداً .

 

Kama hadli doono macluumaadkii laga bixiyay Sheekha, mana ka warrami doono taariikh nololeedkiisii, ee waxaan bidhaamin doonaa qodobo muhiim ah oo aan Sheekha ku xasuusan doono, kuna waari doona quluubtayda insha’allaah. Marka laga yimaado inaan kamid ahay Soomaalida tirada badan ee wax ka dhageysatay duruusta iyo muxaadaraadkiisa, haddana waxaa jiray xiriir naga dhaxeeyay qiyaastii muddo ku dhow 10 sano, haddaaneyba ka badnayn, kaas oo ii suura galiyay inaan wax badan ka barto dhaqanka iyo dabeecadiisa.

 

Bishii Jumaadul-aakhir ee sannadkan 1443, waxay ahayd markii iigu dambeysa ee aan si fool-ka-fool ah isku aragno, goortaasoo aan ku booqday gurigiisa oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal kadib safar shaqo oo aan halkaasi ku tagay. Maalmo yar kadib, xilli aan isku diyaarinayay inaan sii safro ayaan ku kulannay meel kale, wuxuuna markii uu sii baxayay, I weydiiyay su’aal aan is iri wuxuu uga dan lahaa inuu hamigeyga iyo diiraddeyda kor ugu qaado.

 

Wuxuu igu yiri: “haddii maanta hortaada lasoo fadhiisiyo madaxda gaalada caalamka, oo lagu yiraahdo la hadal, maxay tahay risaalada aad gaarsiin lahayd?” waxaa I ag taagnaa nin kale oo dhallinyaro ah oo suxufiyiinta kamid ah, jawaabta kuma degdegnin, ilbiriqsiyo yar ayaan aamusay, kolkaas baa waxaan ugu war celiyay oo aan u sheegay, inaan ugu yeeri lahaa towxiidka, markaasuu igu yiri: “waa sax, risaalada suxufiga muslimka ahi waa iney ahaataa “يا أيُّها النَّاس قولوا لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ تُفلِحوا”. (dad yahow islaamka soo gala waad liibaaneysaane) waa hadalkii uu Nabiga sallalaahu caleyhi wasallam ku yiri Jaahiliyaddii.

 

* * *

 

Alle ha u naxariistee – Sheekh Nuur, wuxuu ahaa nin aad u daneeya qadaayaadka Muslimiinta caalamka oo dhan, wuxuu si gaar ahaaneed uga walwali jiray dalalka ay gumeystayaashu duullaanka ka wadaan iyo kuwa ay horey u qabsadeen islamarkaana adoonsiga iyo tacaddiga ka geysanayaan. Markaad suxufi tahay wuxuu ku weydiinayay xaaladda Falastiin, Shiishaan, Suuriya, Turkistaanta bari, Ciraaq, Yeman, muslimiinta Rohingya iyo kuwa kale.

 

Sida laga dheehan karo muxaadaraadkiisa, wuxuu qabay in nasriga iyo guushu dhow dahay, ummad walba oo Alle jidkiisa ku halgantana ay libta heleyso si kasta oo looga tiro badan yahay, wuxuuna waayahan aad ugu farax sanaa inuu Alle soo gaarsiiyay cumrigiisa, Mareykan iyo isbahaysigiisii oo Afganistaan ku jabay, iyo Daalibaan oo dowlad noqotay, dalkana shareecada ku dabaqeysa.

 

Sheekhu wuxuu rumeysnaa inaan marnaba horumar iyo barwaaqo la gaareyn, illaa lagu dhaqmo kitaabka Alle, la iskana daayo qawaaniinta iyo mabaadi’da ay reer galbeedku yeerinayaan, wuxuu ku dadaali jiray inuu si walba wax u faham siiyo kuwa sheegta iney yihiin sharci dajiyaasha isagoo usii maraya qalabka warbaahinta. Mar uu hadal uu ku wajahayay Baarlamaanada ka jira qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa waxa uu ku yiri: “saxaabadu waxay la dagaalameen beenaalihii Museylama ahaa ee Nabi-nimada sheegtay, ee seen idiinku dhaafeynaa idinkoo Ilaah-nimo sheegtay?”.Wuxuu ahaa caalim ay u fududahay inuu jawaab ay caamadu fahmi karto ka bixiyo wararka marin habaabinta diineed ah ee ay mararka qaar jeediyaan dadka aan jecleyn in lagu dhaqmo shareecada islaamka oo u badan siyaasiyiinta cabsan mabaadi’da Dimuqraadiyadda, waxaan xasuustaa jawaab cajiib ahayd oo uu ka bixiyay hadalka nin hadda Xildhibaan ah oo aan magaciisa munaasabaddan oo kale ku sheegeyn, ninkaas oo ku tiraabay war biyo dhiciisu ahaa in laga soo gudbay daarul-islaam iyo daarul kufri, iyo nidaamkii hore ee uu Islaamku ku dhaqmi jiray, duniduna is badashay oo Muslimiinta iyo Gaaladu is dhex galeen!.

 

Jawaabtii sheekhu wuxuu micnaheedu ahaa’ “annaga haddaan nahay Muslimiin waxaa guud ahaanteen nala faray inaan ku dhaqanno wixii hore ee uu inooga tagay Nabiga Sallalaahu caleyhi wasallam, waxa gadaal ka yimid ee aad ammaaneysana waa wixii shareecadu ka digtay إِيَّاكُمْ ومُحْدثَاتِ الأُمُورِ فَإِنَّ كُلَّ بِدْعَةٍ ضلالَةٌ”. Sheekh Nuur wuxuu dadaal badan galin jiray inuu umadda ka waardiyeeyo shubuhaatka, taleefankiisa wuxuu ahaa mid furan oo dal iyo dibad laga soo woco masaa’isha-na laga soo weydiiyo, halka sidoo kale ay dad badan fataawi uga dalbi jireen masjidka iyo inta uu socdo wadada.

 

* * *

 

Marka la eego dhanka waracnimada ama xalaal miiradka, ma arag qof sidiisa oo kale ah xilligan, intaan ogahay, kolka aad taleefan ka wacdid oo uu dantaada kuu dhammeeyo, haddii ay dhacdo inuu isagu u baahdo la hadalkaaga, wuxuu ku oranayaa “khadka ka bax anigaa dan kaa leh oo lacagteyda kugu soo wacayee”.

 

Sidoo kale wuxuu ahaa sheekh murabbi ah oo dadka qof-qof u toosiya, kuna haga inuu diinta si dhammeystiran ugu dhaqmo inti tabartiisa ah, wuxuu ku dadaali jiray inuu la yimaado hab dhaqankii salafka, tusaale ahaan, haddaad habeenkii wacdo wixii ka billowda 9:00 fiidnimo, wuxuu kuu sheegayay in salafku seexan jireen cishaha kadib, haddii hawshaadu yar tahay markaas wuu kuu fududeynayay, haddey ballaaran tahayna ballan ayaad kala qaadanayseen.

 

Habeenkiisa wuu nooleyn jiray sida ay ii sheegeen dad iiga aqoon badan dhankaas, bulshadana wuxuu ku dhiira galin jiray in aysan hurdo ku dhammeysan waqtiga oo qiyaamka joogteeyaan, wuxuu jeclaa dadka ahlu diinka ah gaar ahaan culimada rabbaaniyiinta ee aan xaqa la gabban, dal iyo dibadba meeshey joogaan. Bulshada wuxuu ku qaabilayay isku darajo, waxaa u sinnaa kan maal qabeenka ah iyo kan faqiirka ah, kan magaca leh iyo kaan la aqoon, kan mas’uulka ah iyo kurayga.

 

Alle wuxuu hibo u siiyay xaga wax gudbinta iyo ka raarididda, af-yaqaan wuxuu ahaa si qurux badan u adeegsada maahmaah iyo xikamka, walibana ku dadaala adeegsiya erayada ugu dhow ama ugu saxan ee dadka fahamka usoo dhaweynaha. Marka uu doonayo inuu bulshada fahamsiiyo micnaha magaca “Gaal” wuxuu oran jiray (Alle diid), Qur’aanka aayad-ba-aayad ayuu ku fasirayay amase ku tusaaleynayay, kalimaadkiisana kuma badnayn aqwaasha culimada.

 

* * *

 

Sheekh Nuur wuxuu lixdii bilood ee ugu dambeysay aad uga hadlayay u diyaar garowga geerida iyo qabriga sida uu ii sheegay mid kamid ah dadkii ku dhawaa ee ku xirnaa duruustiisa masjidka, aniga qudheyda waxaan dhageystay dhowr kalimadood oo uu mawaadiic kale uga hadlayay, balse uu hadba kusoo darayay baraarujin ku saabsan iilka iyo xabaasha iyo u diyaar garowga aakhiro.

 

Todobaadyo ka hor geeridiisa waa uu xanuunsanaa, saasoo ay tahayna wuxuu masjidka ka bixinayay duruus, arrintaasina waxaan is leeyahay waxay tusaale wanaagsan u tahay qof walba oo duqnimo iyo da’ ka cabanaya oo isagoo ay dacwadu u baahan tahay iska raaxeysanaya.

 

Sheekhu wuxuu ifka kaga tagay 7 qof oo uu isagu dhalay oo kala ah 4 wiil iyo 3 gabdhood iyo 1 xaas, kamana tagin daaro waaweyn, shirkado ganacsi, beero iyo xoolo foofa toona, laakin wuxuu ka tagay dhaxal iyo keyd cilmiyeed aad u ballaaran oo aan rajeynayo inuu Alle u barakeeyo si lamid ah sida uu u waariyay kutubta culimadii waaweeneyd ee Muslimiinta soo maray quruuntii lasoo dhaafay.Alle waxaan ka baryayaa inuu na tuso rajadii sheekha ee ahayd in mar uun la arki doono Soomaaliya iyo caalamka islaamka oo aan gaal u talineyn, ku dhaqmaya shareecada islaamka, inta dimuqraadiyadda iyo xeerarka qowmuluudka heysatana “argagixiso” loo aqoonsan yahay. Ugu dambeyntii waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii Sheekha iyo ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogto, waxaan Allaah uga baryayaa sheekha inuu macooda ka dhigo kuwa uu u nicmeeyay ee Nabiyada, siddiiqiinta, shuhadada iyo saalixiinta, annagana gadaashii Alle nama fitneeyo.

 

Wabillaahi Towfiiq

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.