Latest Post

Dhageyso Jawaasiis lagu dilay Jubbada hoose Ethiopia deploys thousands of fresh troops in south Somalia

Generaal Takar Subagle Furcas oo ahaa taliyaha guutada 18aad ee ciidanka Gorgor, iyo guutadii uu hogaaminayey ee deganaa xerada ciidamada DFS ee Jawiil ayaa ku go’ay qaraxii nafhurnimo ee maanta ka dhacay halkaas.

 

Generaalkan iyo guutada uu hogaaminayey ayaa laba bilood kahor laga soo sagootiyey wadanka Turkiga kadib markii ay tababar soo dhameysteen, waxaan lagu waday inay guluf ka dhan ah Jihaadiyiinta ka sameeyaan qeybo kamid ah gobolka

Hiiraan, balse qaraxan ayaa ahaa weerar ka hortag ah oo dagaalyahanada Shabaabku dharbaaxada kala hormareen ciidanka.

 

Sida ilo wareedyo ii xaqiijiyeen ciidankaan ayaa dhawaan xero ciidan looga sameeyey Kalabeyrka Hiiraan. Dadka deegaanka ayaa kasoo horjeestay in deegaankooda ay xero military ka sameystaan ciidankaas cusub balse markii dambe si xoog ah ayey ku degeen halkaasi.

 

Jihaadiyiinta oo si hoose ula socday dhaqdhaqaaqooda ayaa u diyaariyey qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari Xamuul ah, kaas oo duhurnimadii maanta gudaha u galay xerada kadibna qofkii watay uu halkaas ku qarxiyey. Jihaadiyiintu waxay sheegeen in khasaaraha qaraxa uu kor u dhaafayo 40 askari oo dhimasho iyo dhaawac ah sida ay tibaaxayaan xogaha hordhaca ah.

 

Weerarkan ayaa ahaa dharbaaxo kale oo kahortag ah oo Jihaadiyiintu kala hormareen gulufka uu abaabulayo Xasan Sh. Maxamuud, waxaana xusid mudan dhowr jeer sidan oo kale Jihaadiyiintu dharbaaxada kala hormareen ciidanka Gorgor iyagoo loo diyaarinayo guluf dagaal. Bishii June ee sanadkii hore sidan oo kale weerar nafhurnimo ayaa lagu ekeeyey xero ciidankan ku leeyhiin Muqdisho oo lagu diyaarinayey askar fara badan oo la doonayey inay qaadaan guluf dagaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.