Latest Post

Dhageyso Jawaasiis lagu dilay Jubbada hoose Ethiopia deploys thousands of fresh troops in south Somalia

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa duhurnimadii maanta lala eegtay xero ciidanka DFS ku leeyihiin deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiiraan.

 

Qaraxan oo si weyn looga maqlay deegaano badan oo ka tirsan Hiiraan ayaa sida wararku sheegayaan lala eegtay xero ciidan oo maleeshiyada uu tababaro Turkiga ee GorGor ku leeyihiin halkaas.

 

Burbur aad u xoogan ayaa soo gaaray xerada la beegsaday, waxaana jira khasaare baaxadleh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidankii xerada ku sugnaa.

 

Xarakada Al Shabaab  ayaa sheegatay mas’uuliyada camaliyadan waxay sheegtay inuu weerarku ahaa mid lagu beegsaday maleeshiyaat dabadhilifyo ah oo loo abaabulayey la dagaalka Mujaahidiinta.

 

Halkaan ayaan kusoo gudbin doonaa khasaaraha ka dhashay howlgalkaas nafhurnimo.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.