Latest Post

Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab oo Shir jaraa’id ku faah faahiyay dagaallo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagula beegsaday degmada Qansaxdheere.

Xog cusub oo aan helnay ayaa tilmaameysa in dagaal aad u xoogan oo socday muddo ka badan saacad inuu ka dhacay buuraleyda dhabarka ka saaran degmada Ceelkerri ee gobolka Afdheer, halkaas oo ay isku fara saareen dagaalyahano ka tirsan jihaadiyiinta iyo Lyu Police ka. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay si kadis ah isaga soo hor baxeen Jihaadiyiinta oo roondo ku jiray iyo ciidamo ka tirsan Lyu Police oo iyagana roondo ahaa.

Labada ciidan ayaan kala adkaan waayey weyna kala gedoomeen, khasaaraha kala gaaranayna lama xaqiijin karo laakiin sarkaal katirsan Lyu Police ka oo gurmad ka dalbanayey taliska dhexe ayaa laga soo xigtay “Ciidankii aan wadanay oo ahaa 100 askari, 10 nin baa ka fiyoow, inta kale waa wax dhintay iyo wax rasaas ku taallo.

Ilo wareedyo kale ayaa xaqiijiyey in meydadka askar tiradoodu u dhexeyso 30 ilaa 40 askari in lagu aasay Ceelkerri, dhaawacyo fara badana loo soo daabulay magaalooyinka Godey iyo Hargeelle. Dhulka lagu dagaalamay ayaa ahaa aag gaadiidka ka caagan oo lug oo kaliya lag ugali karo, waana buuraha dhabarka ka saarna Ceelkerri oo aad ka eegi kartaa sawirka la socda qoraalka.

Dagaalkan wuxuu meesha ka saarayaa markale sheegashadii maamulka DDS ee uu hogaamiyo Cagjar ee ahayd inay soo afjareen gulufkii Jihaadiyiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.