Latest Post

Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab oo Shir jaraa’id ku faah faahiyay dagaallo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagula beegsaday degmada Qansaxdheere.
  1. X ildhibaan Sanbaloolshe iyo wasiirka gaashaandhiga ee xukuumada Xasan Sh. Maxamuud ayaa xaley booqday maleeshiyo beeleed macawiisleey ah oo loo abaabulayo la dagaalanka Jihaadiyiinta.

Sida ay tilmaamayaan xogo aan helay, beeshan la abaabulay ayaa isku khilaafay ka qeybgalka dagaalkan la doonayo in la geliyo kadib markii ay kalsooni ka waayeen dowladda loona balanqaadi waayey dhowr dalab oo ay soo hordhigeen madaxda dowlada.

Ciidamo katirsan Danab iyo diyaaradaha Mareykanka ayaa caawiyey dhawaan koox macawiisleey ah oo ka dagaalamayey aagga Teedaan, balse maalmo kadib ciidankii iyo diyaaradihii ayaa deegaanka isaga soo baxay oo dadkii iyo Jihaadiyiintii ayaa la isaga dhex baxay.

Iyagoo wax ku dhisanaya dhaqankaas dowladu baratay ee ah in bulshada dagaal la geliyo kadibna laga soo kala dhuunto, sidaasna lagu baabi’iyo ayey bulshadu ku gacan seyrtay in lagu lugooyo dagaal aanan daacad loo ahayn.

Waxay dalbadeen in ciidamada dowlada saldhigyo ka sameystaan deegaanka oo dhex degaan bulshada si ay u difaacaan, taasna waa mid horay loogu caal waayey oo ciidanka dowlada ma lahan tabar ay kaligood saldhig ku degaan kuna difaacdaan, oo waa tii la arkay in deegaankii afrikaantu ka baxdaba ay horay ka qabsanayaan Jihaadiyiinta sida ka dhacday Ceelbaraf oo u dambeysay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.