Latest Post

Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab oo Shir jaraa’id ku faah faahiyay dagaallo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagula beegsaday degmada Qansaxdheere.
Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkii ugu horreeyay ku tagay deegaannada uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay ‘Puntland’.
Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa ayaa madaxweynaha dowladda Federaalka kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Boqolaal qof oo mucaaradsan socdaalka Xasan Gurguurte ayaa iskusoo bax ka dhigay qaar kamid ah wadooyinka magaalada Garoowe.

Socdaalka Xasan Sheekh ee deegaannada Puntland ayaa imaanaya xilli Saciid Deni uu bilihii lasoo dhaafay ka caga jiidayay in uu wada shaqeyn layeesho maamulka cusub ee Villa Somalia, wasiirro iyo siyaasiyiin ku sugan Garowe ayaa warbaahinta ka sheegay in ay xiriirka ujarayaan DF-ka balse lama oga sida ay wax noqon doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.