
Ghannelka wararka ee Alkataa’ib ayaa caawa baahiyay qeybta 3aad wajiga koowaad ee muuqaalo tixane ah oo lagu soo bandhgayo gurmadka ay u sameysay xarakada dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dhulka ay maamusho ee dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Qeybta 3aad waxaa lagu daawan karan gurmadyo la gaarsiinayo dadka ay abaartu saameysay ee ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada kala ah Saakow, Xabaal Barbaar, Tugaar Hoos, Ceel Ansaar, Gubta Cusmaan, oo ka kala tirsan gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.