Latest Post

Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab oo Shir jaraa’id ku faah faahiyay dagaallo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagula beegsaday degmada Qansaxdheere.

Qasriga boqortooyada dalka Ingiriiska ee loo yaqaan Buckingham Palace ayaa ku dhawaaqay in ay dhimatay boqoraddii wadankaas maamulaysay 70-kii sano ee lasoo dhaafay.

Queen Elizabeth ayaa la xaqiijiyay in ay dhimatay kadib markii ay xaaladeeda caafimaad kasoo dartay saacadihii lasoo dhaafay.

 

Haweenaydan oo 96 sana jir aheyd ayaa noqotay boqoradda dowladda Ingiriiska sanaddii 1952-kii waxayna sidaas ku noqotay boqoraddii ugu waqtiga dheereed dalka Britain.

 

R/wasaaraha UK ayaa iclaamisay in hoos loo dhigay calamada wadanka islamarkaana loo sameyn doono baroordiiq, Queen Elizabeth ayaa 70kii sano ee ay talada haysay waxay ciidamada dowladda Ingiriiska xoog ku qabsadeen dalal muslimiintu leeyihiin iyadoona sidoo kale dowlado shisheeye ku wareejisay dhulalka muslimiinta.

 

Dowladdii ay hoggaaminaysay Queen Elizabeth ayaa sanaddii 1954tii dhulka Somaligalbeed ku wareejiday dowladda Xabashida It oobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.