Ghannelka wararka ee Alkataa’ib ayaa caawa baahiyay qeybta 6aad wajiga labaad ee muuqaalo tixane ah oo lagu soo bandhgayo gurmadka ay u sameysay xarakada dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dhulka ay maamusho ee dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Qeybta 6aad waxaa lagu daawan karan gurmadyo la gaarsiinayo dadka ay abaartu saameysay ee ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada kala ah Jamaame, Buur Dhuxule, Garasweyne, Abuurow, Raamacadey, Faluurow oo ka kala tirsan gobolada Jubooyinka, Bakool, Baay iyo Shabeelada Hoose.