Ghannelka wararka ee Alkataa’ib ayaa caawa baahiyay qeybta 7aad wajiga sadaxaad ee muuqaalo tixane ah oo lagu soo bandhgayo gurmadka ay u sameysay xarakada dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dhulka ay maamusho ee dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Qeybta 7aad waxaa lagu daawan karan gurmadyo la gaarsiinayo dadka ay abaartu saameysay ee ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada kala ah Mubaarak, Raaxoole, Roobay, Tugar Hoose, Ufurow, Xabaal Barbaar, Kamsuuma, Raaxoole, Tiyeeglow oo ka kala tirsan gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.