Mu’asasada Alkataa’ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa baahisay qeybta 14aad muuqaallo taxane ah oo qeyb ka ah silsiladda Hummul-Caduwwu Faxdarhum, kuwaas oo lagu soo bandhigayo qiraalada qaar ka mid ah jawaasiistii u shaqeeynayey sirdoonada cadowga ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mujaahidiinta.
Xalqada 14aad ee Muuqaaladan waxaa lagu soo bandhigayaa qiraalo ay bixiyeen basaasiinta kala ah:
Abuukar Cabdi Cumar oo la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka CIA.
Aweys Xasan Xaaji oo la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka CIA.
Cabdulqaadir Maxamad oo la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA.