Latest Post

Al-Shabaab oo ka digay boob lala damcsanyahay hantida Soomaaliyeed, digniina u diray shirkado iyo Bangiyo. Al-Shabaab oo sheegtay in ay 87 askar iyo saraakiil ah ku dishay qaraxyadii Maxaas [Bayaan].

Fagaare kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe waxaa maanta gelinkii dambe isugusoo baxay boqolaal shacab ah kuwaas oo daawanayay xukun dil ah oo lagu fulinayay rag falal basaasnimo lagu helay.

Qaadiga maxkamadda Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa fagaaraha ka akhriyay xukunka lagu fuliyay illaa 6 ruux oo ku eedaysnaa in ay indho u ahaayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaan.

Ragga ladilay ayaa kala ahaa.

1:Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da’diisuna tahay 33 jir.

2: C/Qaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), da’diisuna tahay 29 jir.

3: C/laahi C/raxmaan Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), da’diisuna tahay 27 jir.

4: Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, da’diisuna tahay 43 jir.

5: C/Salaan Ibraahim Maxamed oo loo yaqaanno (Shaalle), da’diisuna tahay 38 jir.

6: C/Qaadir Xuseen Cabdi oo loo yaqaanno (Gobal), da’diisuna tahay 22 jir.

Ma ahan markii ugu horraysay oo kooxo jawaasiis ah lagu dilay degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe, diyaaradaha Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeymo ka geystay deegaanno dhaca Koonfurta Soomaaliya.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.