Latest Post

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Halgan. Ciidamada ATMIS oo qof shacab ah ku toogtay isgoyska Ceelgaabta Xamarweyne.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay qaar kamid ah gobolada dalka ka dhacay howlgallo ay fuliyeen xoogag jihaadiyiin ah kuwaas oo lagu beegsaday askarta dowlada Kenya iyo maleeshiyaadka dowladda.

Ugu horreyn wararka nagasoo gaaraya Jubbooyinka ayaa ku warramaya in Al-Shabaab ay xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas culus oo ay labada dhinac is dhaafsanayeen, saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Kulbiyoow ayaa joogta unoqday weerarada habeen dheelmad ah ee uga yimaad Al Shabaab.

Dhinaca kale xoogag hubaysan ayaa xalay weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada ATMIS iyo maleeshiyaadka dowladda ku leeyihiin degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan ka dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.