Latest Post

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Halgan. Ciidamada ATMIS oo qof shacab ah ku toogtay isgoyska Ceelgaabta Xamarweyne.

 

Wararka laga helayo Sh/dhexe ayaa sheegaya in maanta jawiga uu ahaa jawi Roobeed, islamarkaana diyaaradaha Mareykanka ay soo gali waayeen hawada deegaanka, taas oo keentay in ciidan xoogan oo Al-Shabaab ah u kala jiheystaan tuulooyinkii dhawaan lagu soo daabulay maleeshiyaatkii lagu galbinayey diyaaradaha Mareykanka, si loo edbiyo mooryaantaas inta uu ka maqan yahay samankii ay caabudi jireen.

Wararka aan helnay wuxuu sheegayaa in dagaal xoogan oo iqtixaam ah lagu qaaday maleeshiyaatkii ku sugnaa Guullane, hardan xoogan kadibna ay kala firxadeen, lana sii baacsanayey ilaa galabta.

Maleeshiyaatkii ku sugnaa Masaajid Cali Gaduud ayaa iyagana kala firxaday inta aanan lasoo gaarin kadib markii ay jawiga qiimeeyeen, waxay hadda ku sugan yihiin tuulo 15km u jirta deegaanka, waxaana lasoo hadlay Odiwaa oo ku amray inay ku noqdaan Saldhigga Cal-Gaduud balse maleeshiyada ayaa ka welwelsan in haddii ay noqdaan lasoo weerari karo maadama aanu gurmad xagga hawada ah jirin.

Sida aan xogta ku heleyno, waxaa la la’yahay 15 gaari oo la doonayey in lagu xoojiyo maleeshiyaatka welwelsan ee ku sugan Cali-Gaduud, kuwaas oo maanta barqadii ilaa hadda aanan soo gaarin tuulada, lamana oga haddii uu dagaal qabsaday iyagana iyo haddii ay lumeen.

Xaalada ayaa ku adag maleeshiyaatkii dhawaan lagu daabulay Sh/dhexe, waxaana todobaadyada iyo bilooyinka soo socda loo badinayaa in dowlada Federalka ay arki doonto natiijada istaraatiijiyada qar iska xoornimada ah ee lagu galay gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.