Latest Post

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Halgan. Ciidamada ATMIS oo qof shacab ah ku toogtay isgoyska Ceelgaabta Xamarweyne.

Warkasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyadii waaweynaa ee maanta ka dhacay degmada Maxaas lagu dilay ugu yaraan 87 ruux oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo maleeshiyaatkii loo abaabulayey la dagaalanka shareecada Islaamka, Iyagoona sheegay inay weeraradaas ay fariin cad u yihiin inay beegsan karaan goob waliba oo uu cadowgooda gabaad ka dhigto.

Warka kasoo baxay Xarakada ayaa lagu yiri: “Iyadoo laga duulayo amarka Allaah ee ah in lala dagaalamo cadawgiisa, lana difaaco Diinta Islaamka, waxay ciidamada Mujaahidiintu saakay oo Arbaco ah hawgallo qorshaysan ka fuliyeen magaalada Maxaas ee Wilaayada Hiiraan. Hawgalladan oo ahaa camaliyaad istish-haadi ah, waxaa lala beegsaday saldhigyadii ugu waaweynaa ee ay deganaayeen maleeshiyaatka ridada ee loosoo abaabulay la dagaalanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayaatka Hiiraan iyo Galgaduud”

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Camaliyaatka istish-haadiga ah ayaa lala beegsaday labo saldhig oo in muddo ah ay sirdoonka Mujaahidiintu sahan iyo kormeer joogta ah ku hayeen, lana xaqiijiyay inay yihiin halka ugu muhiimsan ee cadawgu iska soo abaabulo, ay joogaan ciidamada ugu badan, ayna yaallaan hubka iyo gaadiidka dagaal ee cadawga. Camaliyaatka ayaa Allaah fadligiis sidii loo qorsheeyay u beegsaday bartilmaameedkii loogu talagalay”

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxyadaas ku burburisay ugu yaraan 13 ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee maleeshiyada macawiisleyda ee yaalay saldhigyada la weeraray, waxaana bayaanka lagu yiri: “Khasaaraha hordhaca ah ee cadawga gaaray waa 87 dhimasho ah iyo 130 dhaawac ah, kuwaas oo iskugu jira saraakiil, ciidamo, iyo mooriyaan loo abaabulayay dagaalka looga soo horjeedo ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Sidoo kale waxaa camaliyaatka ku gubtay 13 kamid ah gaadiidka cadawga kuwaas oo u badnaa kuwa tiknikada loo yaqaano ee ay qoryaha waaweyn saaranyihiin.

Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay weerar ku qaadeen saldhiga maleeshiyada ridada ee tuulada Dudun-cad ee duleedka degmada Maxaas. Mujaahidiinta ayaa dagaal kooban kadib la wareegay tuulada, waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray cadawga”

Al-Shabaab ayaa ku goodisay inay sii wadi doonto weerarada ay ku beegsaneyso meelaha uu gabaad ka dhigto cadowgooda, waxaana bayaanka lagu yiri gabagabadii. “Hawgallada Maxaas iyo deegaanada ku xeeran waxay cadayn u yihiin inaysan jirin goob ama deegaan uu cadawgu kaga dhuuman karo Mujaahidiinta, iyo in gacanta dheer ee ciidanka difaaca Shareecadu ay gaari karto goob walba oo kamid ah goobaha laga soo abaabulo hagardaamooyinka ka dhanka ah hirgelinta iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka”.

Halkan ka degso Bayaanka PDF

Leave a Reply

Your email address will not be published.