Latest Post

Somalia’s president promises to hold ‘one man, one vote election’ in 2026 Somalia’s govt says new offensive against militants to start during Ramadan

Boqolaal qof ayaa iskusoo baxyo ka dhigay degmada Xamarweyn ee magaalada Muqdisho kadib markii ay ciidamada shisheeyaha ATMIS ay toogasho ugeysteen wiil dhalinyara ah.
Ciidamo udhashay dalka Uganda oo la socday gaari gaashaaman ayaa toogasho ku dilay wiil dhalinyara ah xilli uu ku sugnaa isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamarweyne.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in wiilka dhalinyrada ah uu isla goobta ku geeriyooday kadibna ay ciidamada ATMIS iskasii wateen socodkooda.

“Ciidamada Yugaandha ayaa walaalkeyga 6 xabadood madaxa uga dhuftay kadibna wuxuu ku dhintay isgoyska Ceelgaabta degmada Xamarweyne” waxaa sidaas tiri gabar ladhalatay wiilka ay toogashada ugeysteen ciidamada ATMIS.

Goobta ay toogashadu ka dhacday waa hareeraha madaxtooyada Villa Somalia, dadka iskusoo baxyada dhigay ayaa wadada laamiga ah taayarro ku gubay.
Ma ahan markii ugu horraysay oo ay ciidamada shisheeyaha ATMIS ay dad shacab ah ku dilaan Muqdisho, dhowr jeer ayay gaadiid gaashaan jiirsiiyeen dad shacab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.